CIID AL-ADXAA
WQ. Osman Bilad | osmanbilad@hotmail.com
ISHA-QORAALKA: Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee Internetka
Asalaamu aleykum dhammaan ardayda iyo waxaana arday ahayn oo kujira profile-ka. Sidaa la wada socotaan bisha soo socota hadduu Ilaahay nagaarsiiyo waxaa fuudo nagu soo haysa
EID AL-ADXAA, waxayna ku aadantahay sida la sheegayba February 22, 23, and 24 insha'allah. Marka waxaa ila fiicnaatay in aan walaalaheey muslimiinta ah dhammaantood u soo bandhigo sharuudaha iyo waxa la iska doonaayo maalmahaas farxada ah. Ee adinkana ka faa'idaysta una gudbiya dadka walaalihiin, qaraabadiina, iyo saaxiibadiin ah. Waayo ayagaba waa laga doonayaa
arintaan.
NOTE:
Xoogaa casharkaan wuu dheeryahay ee print garayso si aad waqti fiican u heshid, uguna gudbisid dadka kale.
WAA
BILAABATAY......
"IIDAHA" IYO SALAADDOODA
Ciiduhu waa kuwo fac wayn, oo waxaa ummad kastaa lahaan jirtay ciido ay iidaan, munaasabad kasta oo waynna waxay ka dhigan jireen iid ay iidaan, faraxooddana ay muujiyaan, ka dib markii Islaamku yimid ayuu wuxuu bedelay iidihii hore, isagoo ku bedelay iido ka khayr badan, waxaana ku sugan xadiis saxiix ah oo uu wariyey Abuu Daawuud in Rasuulka SCW uu magaalada Madiino yimid, iyadoo reer Madiina ay leeyihiin laba maalmood oo ay ciyaaraan, markaas ayuu Rasuulka SCW waydiiyey iyaga waxay ay yihiin labadaas maalmood, markaasayna ku yiraahdeen: waa laba maalmood oo aan waagii jaahiliyada aan ciyaari jirnay, markaas ayuu ku yiri: "Ilaaheey wuxuu idinkugu bedelay labadaa maalmood laba ka khayr badan oo kala ah maalinta Ciidul-Fitriga iyo maalinta Ciidul-Adxada, labadaa iidood Ilaaheey ayaa ummadda Nabi Muxammed SCW
siiyey.
Waxayna labadaas iidood ka daba maraan laba tiir oo waawayn oo ka mid ah shanta tiir ee Islaamka, labadaas oo kala ah: soonka iyo xajka, maalmahaa inay dadku nafta u raaxeeyaanna waxay ka mid tahay waxyaabaha Ilaaheey uu jideeyey, sidaa awgeed waxaa banaan ciyaaraha nooc kasta oo ay yihiinba, haddii laga ilaaliyo waxyaabaha shareecadu aysan ogolayn, sida cawrada oo la banneeyo, ragga iyo dumarka oo is-dhex gala, sidaas oo kale waxaa bannaan heesaha, laakiin waa inaan ruuxna lagu caynayn, wax xunna aan lagu faafinayn, laguna faaninayn sida qamro iwm, muustikana aan la
raacsiinayn.
Waxaana isku mid ah ragga iyo dumarka, waxaa uu xusay xadiis saxiis ah oo ay wariyeen culummo ay ka mid yihiin Bukhaari iyo Muslim in: "Maalin iid ah iyadoo ay ku ciyaarayaan masjidka Rasuulka SCW niman Xabashi ahi uu Rasuulku SCW Caa'isha (a.k.n) u yeeray, dabadeedna ay fiirsatay ciyaartoodii ilaa ay ka bogatay, iyadoo weliba ciyaarta ka fiirsanaysey oo taagnayd Rasuulka SCW gadaashiisa, iyadoo dhabankeedu uu saarnaa dhabankiisa, wuxuuna Rasuulku SCW maalintaa yiri: "Ha ogaato Yahuuddu in diinteeennu ay leedahay fasax iyo waqti damaashaad iyo
tamashlayn."
Sidoo kale waxay wariyeen Bukhaari iyo Musim in: "Caa'isho ay tiri: maalin iid ah ayaa iyadoo ay ila joogaan laba gabdhood oo heesaya, ayaa waxaa ii soo galay Rasuulka SCW, dabadeedna ku seexday firaashka, wuxuuna huwday maro, dabadeedna waxaa soo galay Abuu Bakar, wuxuuna canaantay labadii gabdhood isagoo diiddan waxa ay Rasuulka SCW ku ag samaynayaan, markaas ayuu Rasuulku SCW maradii iska fayday, kuna yiri Abuu Bakar: "iska daay, qolo waliba waxay leedahay iid, middaanina waa iiddeeniiye", laakiin waxaa la rabaa in falalka lagu kacayo oo muujinaya farxadda iyo rayn-raynta sida cuntada, cabitaanka iyo ciyaaruhuba aysan xadkooda dhaafin, Ilaaheey ka cabsashaddiisana aan la
hilmaamin.
Islaamka ma lahan iido aan ahayn kuwaa aan soo xusnay, laakiin dadka badan oo muslimiinta ka mid ah ayaa waxaa lagu emteleeyey inay samaystaan iido kuwaa Islaamka aan ahayn, sida iidda maalinkii dhalashada Rasuulka SCW, habeenka la yiraahdo "Laylatut-Micraaj", iidda dhalashada qofka, iyo iido loo sameeyo boqorrada iyo madaxwayneyaasha, sida maalinta ay kursiga xukunka ku fariisteen, maalinta dalku xornimada qaatay iwm, oo ka mid ah iidaha bidcada ah oo shareecada wax idan ah aan ka haysan, waxaana aan bannaanayn in iidahaas la jideeyo ama la sameeyo, waxaa sida Kirismiska iyo sannadka cusub oo loo yaqaanno "Habbi niyuu yeer/Happy new year"
iwm.
"IIDA" XUGUNKEED IYO MEESHA LAGU TUKANAYO
Waxay culummada Islaamka isku qilaafeen xugunka ay iidda tukashadeedu sharciga ku leedahay, markaa ayaa qaarkood waxay yiraahdeen waa sunno, qaar kalena waxay yiraahdeen waa waajib, iyadoo rag iyo dumarba ay isku mid yihiin, sidan dambe ayaana xoog badan, waxaana u daliila ah in Rasuulka SCW uu amar ku bixiyey inay iidda yimaadiin rag iyo dumarba, xataa gabdhaha aan la guursan gurigana aan ka soo bixin (maqbiyooyinka), iyo kuwa dhiigga caadada qaba, markii sidaas la is amray ayaa haweeneey asaxaabta ka mid ahi Rasuulka SCW waydiisay sida ay samaynayso haweentii aan haysan jilbaab ay ku timaado meesha lagu tukanaayo, markaas ayuu Rasuulku SCW ku yiri: "walaasheeda muslimada ahi ha soo siiso
jilbaab.
Dumarka kuwooda caadada qabaa iyagu wax ka tukan mayaan, laakiin waxay joogayaan meel u dhow meesha lagu tukanayo, dadkaa muslimiinta ah ayey la takbiirsanayaan (Allaahu akbar ayey wax ka leeyihiin), wayna la ducaysanayaan, barakada iyo khayrka maalintaa jira iyagoo rajaynaya, Rasuulkuna SCW weligiis kama uusan tagin
salaaddan.
Iidda waxaa lagu tukan jiray waagii Rasuulka SCW meel bannaan, beledkana ka baxsan, oo loogu talagalay iidaha iwm in lagu tukado, iyadoo salaadda lagu tukado masjidka Rasuulka SCW ay u dhiganto kun salaadood oo meel kale lagu tukado (marka laga reebo Masjidul-Xaraam), ayaa haddana uusan Rasuulku SCW ku tukan masjidkiisa salaad iid ah, hal marna Allaha ka dhigee, sidaa awgeed ayaa waxaa sunno ah in lagu tukado meel bannaan oo dadka la iskugu keeno, haddii duruuf dadka u diidaa aysan jirin, isku imaatinkaas wayn oo loo dhan yahayna xigmado badan ayaa ku jira, oo ay ka mid yihiin muslimiinta oo calaamadaha diinta Islaamka lagu garto mid ka mid ah muujinaya, sidoo kalena muujinaya walaalnimada muslimiinta, midnimadooda, iyagoo isbaranaya, iskaalmaynaya, isla markaana kalimada (diinta) Alle sare u
qaadaya.
WAXYAABAHA SUNNADA AH MAALINTA "IIDA"
Maalinta iidda waxaa sunno ah in lala yimaado waxyaabahan soo socdo:
1. in dhar wanaagsan la soo xirto marka salaadda iidda laga soo qayb galayo, Rasuulkuna SCW maalmaha iidaha wuxuu soo xiran jiray dharkiisa kuwa ugu qurxoon, in maalintaas la is qurxiyaana waxay ahayd caado wanaagsan, Rasuulkana SCW ka sugnaatay, sidan soo xusnayba. Waxaa sidoo kale sunno ah in la isi soo carfiyo, oo la soo marsado waxyaabaha
udgoon.
2. In iidda loo soo qubaysto, arrintaani Rasuulka SCW kama aysan sugnaan, laakiin asaxaabta ayey ka
sugnaatay.
3. In marka laga soo noqonayo salaadda iidda lugu soo noqdo waddo aan ahayn middii marki hore la soo qaaday, sidii uu Rasuulkuba SCW samayn jiray maalmaha
iidaha.
4. Salaadda loo baxayaa haddii ay tahay midda Iidul-Fitriga waxaa sunno ah in wax la soo cuno inta aan la soo aadin, gaar ahaan timir tiro is-dheer (kisi) ah. Haddii ay Iidul-Adxaa tahayna waxaa sunno ah in la soo aado iyadoo aan waxba la soo
cunin.
5. In marka maalinta iidda la kulmaba la isku tahinyadeeyo, iyadoo la leeyahay: "Annaga iyo adinkaba Allaha naga aqbalo", sidaasina waa sida asaxaabtii Rasuulku SCW ay isugu tahniyadayn jireen markii ay kulmaan maalin iid ah. Laakiin waayahaan dambe waxaa lagu bedeshay wixii sugnaaday oo la soo wariyey arrimo aan kuwaa xiriir la lahayn, sida iyadoo dadku isku yiraahdiin: "Kullu caam, wa antum bikhayr", sidaasi iwm, waa ku bedelasho wixii wanaagsanaa lagu bedeshay wax liita oo aan qiimo
lahayn.
6. In la takbiirsado (Allaahu akbar la yiraaho) marka guriga laga baxo ilaa salaadda laga tukado, iyadoo dadku aysan isla qaadayn, ee qof waliba goonidiisa u takbiirsanayo, laakiin in la isla takbiirsado oo la isla qaado sida dadkuba sameeyaan sunnada kuma sugna, ee sidaas ha loo ogaado. Haddii Iidul-adxaa ay tahay iiddaasi intaa waxaa u dheer in saddexda maalmood oo iidda ka dambaysa ay sunno tahay in la takbiirsado, waxaana takbiirta la joojinayaa saddexdaa maalinta ugu dambaysa Casarkeeda, waxaana la takbiirsanayaa iyadoo takbiirtu aysan ku xirnayn waqti gooni ah.
Kutubta qaarkood ayaa waxaa yiraahdeen oo ku gooni yeeleen takbiirta marka salaadaha waajibka ah la tukado dabadeed, laakiin wax daliil ah oo sidaas sugaya (awood siinaya) ma cuskana, sidaa awgeed kuma xirna takbiirtaas ilaa saddexdaas beri soconaysaa salaadaha gadaashood , ee waqti kasta ayaa la takbiirsanayaa, sidaas waxaa la mid ah oo aan iyaguna daliil haysan culummada qaar oo yiraahdeen habeenka iiddu soo gasho ayaa takbiirtu soo billaabanaysaa, ee marka salaadda iidda la aado billaaban mayso. Sida Rasuulka SCW ka sugnaatayna waa sidii aan horay u soo xusnay, ee si-fiican ha loo
indha-indheeyo.
HABKA TAKBIIRTA
Habka loo takbiirsanayo oo asaxaabtii qaarkood ka sugnaaday waa midkan soo socda:
halkaan browserka ayaa soo
saariwaayey carabiga ee raali kanoqoda [الله اكبر الله اكبر لا اله الا الله ؤالله اكبر الله اكبر ؤلله الحمد]
"Allaahu akbar allaahu akbar, laa ilaaha illallaahu, wallaahu akbar, allaahu akbar walillaahil xamdu", ama "Allaahu akbar, Allaahu akbar, Allaahu akbar, walillaahilxamdu, Allaahu akbar, wa ajjallu, Allaahu akbar calaa maa hadaanaa", laakiin qaybta hore ayaa caansan ahna midda saxiixnimada badan, iintani waa inta la soo wariyey iyada oo sugan, laakiin sidii hadba wax loogu darayey ayey waxay hadda gaartay in uusan xifdiba karin qof aan taqasus u lahayni, inuu dadka meersanaya la meersado ma ahane. Waxyaabaha lagu siyaadiyey waxaa ka mid ah: "Allaahumma salli calaa sayidinaa Muxammad, wacalaa aali sayidinaa Muxamaad...ilaa iyo dhamaadka", iyo "Laa ilaaha illalaahu waxdahuu, sadaqa waxdahuu, wanasara cabdahuu, wahazamal axzaaba waxdahuu". Inta sugan ayaana waxay nooga filan tahay inta gadaal ka gaarka ah oo aan sugnayn, ee sida ha loo
ogaado.
SALAADA IIDDA HABKEEDA & WAQTIGA LA TUKANAYO
Waxaa salaadda iidda la tukanayaa inta u dhexaysa marka qorraxdu soo baxdo oo ay kor u soo kacdo, ayna soo gaarto ilaa saddex mititir oo kale, iyo marka qorraxdu cirka bartankiisa dhaafto. Iidul-Adxada tukashadeeda waa la soo dedejinayaa, si dadku ay udxiyada qaliddeeda fursad ugu helaan. Iidul-Fitrigana xoogaa ayaa dib loo dhigayaa, si dadku ay u helaan waqti ay ku bixiyaan Fitrada, waxaana labada iidood salaaddooda loo tukanayaa sidan soo
socota:
ب) Salaadda ayaa la xiranayaa, iyadoo aan laga hormarinayn adimid iyo aqimid taana, marka la xirto dabadeedna todobo (7) goor (oo aysan ku jirin takbiirta salaadda lagu xiranayo) ayaa la takbiirsanayaa (Allaahu akbar la leeyahay), iyadoo aan gacmaha kor loo qaadayn, sababtoo ah marka todobadaa goor la takbiirsanayo in gacmaha kor loo qaadaa Rasuulka SCW kama sugnaan, sidoo kale waxaan la soo warin in dadka ma'muumiinta ahi ay takbiirta kor u qaadayaan, sidaa awgeed waxaa la rabaa in hoos takbiiraha loola yimaado, marka laga reebo imaamka o isaga laga rabo inuu kor u
qaado.
Dabadeedna Faatixada iyo suuradda la yiraahdo: "Sabbixisma" ama "Qaaf" ayaa imaamku aqrinayaa, isagoo kor uqaadayaa aqrintooda, marka rakcada koowaad laga soo istaagana shan goor ayaa la takbiirsanayaa, iyadoo gacmaha kor loo qaadayn sidii hore oo kaleba, dabadeedna wuxuu aqrinayaa Faatixada iyo suuradda la yiraahdo Suurat "Al-Ghaashiya" (Hal-ataak) ama suurat "Al-Qamar"
(Iqtarab).
ت) Markii rakcada labaad laga salaama naqsado ka dibna waxaa sunno ah in la khudbeeyo hal khudbo, oo aan mid kale laga daba marinayn, iyadoo dadka lagu boorrinayo inay Alle ka cabsadaan, lana amrayo wax kasta oo wanaag aakhiro ama mid adduunyo ku jiro, loona sharxayo arrimaha iidda la xiriira haddii laga jaahil yahay. Khudbadana waxaa lagu billaabanayaa Alle ku xamdintiisa "Alxamdu lillaah", ee lagu billaaban mayo takbiirsi "Allaahu akbar", sida dadka qaarkoodba aaminsan
yihiin.
Haddii qofku uu hilmaamo takbiirihii aan soo xusnay amaba qaarkood, takbiirtaas uu hilmaamay salaaddiisa waxba uma dhibi karto, mana soo qallaynayo, laakiin wuxuu la imaanayaa sujuudda sahwiga. Hadiise uu ma'muum yahay oo isaga kaliya uu hilmaanka la yimid wax sujuud ah la imaan mayo.
QOFKII SALAADDA "IIDU" AY DHAAFTO
Qofkii ay dhaafto inuu iidda jamaacda la tukado wuxuu kaligiis (ama dadka la midka ah) iska tukanayaan laba rakco oo salaaddii iidda ah, habka tukashadana waa soo
xusnay.
UDXIYADA IYO XUKUNKEEDA
Udxiyadu waa neef la gawraco barqada maalinta "Iidul-Adxada" (iidda wayn), iyadoo Allaah loogu dhowaanayo, waana sunno adag oo aysan haboonayn in laga tago, waxaana udxiyada laga rabaa qoys kasta oo muslim ah, awood dhaqaalena u leh inay gawracaan, qofkii aan reer lahayn sida ruuxa doobka ah ama reerkiisii uu ka maqan yahay, awoodna u leh inuu la yimaado, waxaa sunno ah inuu la yimaado, Rasuulku SCW isagoo dadka ku boorrinaya sunnadaas, diidanna in la fududaysto ayuu ciqaab wuxuu ku soo rogay dadka sunnadaa ka taga, wuxuu yiri: "Qofkii heli kara dhaqaale uu ku udxiyaysto oo aan doonayn inuu udxiyaystaa yuusan naga imaan oo soo xaadirin meesha aan ku tukanayno "Iida".
Laakiin ruuxii aan heli karin udxiyada wax dambi ah gali mayo, waxaana soo gaaraya ajarka udxiyadii uu Rasuulku SCW ummaddiisa ka bixiyey, iyo midda ay muslimiintu qalayaan fadligeeda. Rasuulka SCW inta neefkii uu ku udxiyaysanayey loo keenay salaadda dabadeed ayuu markii uu gawracaye wuxuu yiri: "Bismillaah, wallaahu akbar, udxiyadan aniga ayaa iska bixiyey, iyo qofkii aan udxiyaysan (aan awood u lahayn( oo ummaddayda ka mid ah".
UDXIYADA BEDELKEEDA WIXII LAGU UDXIYAYSAN LAHAA MA LA SADAQAYSAN KARAA?
Waxaa dadka qaar iswaydiin karaan maadaama dadka tabaalaysan ay badan yihiin, dadka badanna laga yaabo inay udxiyo qalaan, ma bannaan tahay in wixii lagu udxiyaysan lahaa lagu sadaqaysto dad aad ugu baahan? Su'aashaas jawaabteedu waxay noqonaysaa in aysan sidaasi haboonayn, sababtoo ah Rasuulku SCW adxiyada ayuu la imaan jiray, khalufadii ka dambeeyeenna sidaas oo kale ayey samayn jireen, haddii ay ogaan lahaayeen in sadaqadu fadli badan tahayna iyada ayey u leexan lahaayeen, midda kale in udxiyada laga tago oo bedelkeed sadaqo lala yimaado waxaa ka dhalanaya oo ay keenaysaa in laga tago sunno uu Rasuulka SCW
jideeyey.
WAXYABAHA LOOGA BAAHAN YAHAY QOFKA DOONAYA INUU UDXIYAYSTO
Waxaa laga doonayaa qofka raba inuu udxiyasyto inuusan timo iyo ciddiyo midkoodna iska jarin laga billaabo marka ay dhalato bisha Arrafo (Dul-xaj) ilaa iyo inta laga gaarayo intuu ka udxiyaysanayo, laakiin haddii uu u dhibaatoodo inuu iska jaro waxyaabhaas waa u bannaan tahay. Rasuulka SCW wuxuu yiri: "Qofkii arka bisha Arrafo (Dul-xaj), oo raba inuu udixyaystaa, yuusan timo iyo ciddiyo midna iska jarin". sidaa awgeed waxaa loo baahan yahay in arrintaa laga digtoonaado oo aan la sahlan, gaar ahaan dadka lagu ebteleeyey inay mar walba gerka xiirtaan.
WAQTIGA UDXIYADA LA GAWRACAYO
Udxiyada waxaa la gawracayaa laga billaabo marka laga baxo salaadda iidda (iidda wayn), waxayna soconaysaa ilaa iyo saddex maalmood oo maalinta iidda ka dambaysa, marka saddexdaa maalmood oo maalinta iidda ka dambaysa, marka saddexdaa maalmood midda ugu dambaysa qorraxdeedu dhacdana waqtigeedii wuu dhamaanayaa, sidaa awgeed maalintii qofku uu rabo oo maalinta iidda iyo saddexda ka dambaysa ka mid ah udxiyadiisa wuu qalan karaa. Waxaaba aad mooddaa in xikmaddu ku jirto in dadka qaarkood ay udxiyadooda dib u dhigtaan, haddii dadka badankiisu maalinta iidda ay udxiyadooda wada qalayaan, si dadku fursad ay ugu helaan inay maalmaha kalena ka faa'iidaystaan, oo aan hal maalin hilbaha oo dhami isaga dul
imaan.
Maadaama waqtiga udxiyada la qali karaa uu billaabanayo salaadda dabadeed ayaa waxaa la ogolayn in neefka la sii qalo habeenka iiddu soo galayso, ama subaxa iidda inta aan salaadda la tukan, qofkii waqtiga loogu talagalay ka hormariyana ma helayo ajarkii udxiyada laga helayey, ee wuxuu u noqonayaa neef uu isagu iska qashay, waxaana laga rabaa inuu neef kale gawraco, haddii uu rabo inuu sunnada muslimiinta waafaqo, sida uu Rasuulku SCW u yiriba: "Qofkii salaadda horteed (udxiyada) bireeyaa ha ku soo celiyo."
INTA UDXIYO UGU FILAN QOYS WALBA
Qoyskii udxiyaysanaya waxaa ku filan hal neef oo ari ah, intii uu rababa qoyskaasi ha ka koobnaadee, maadaama neefka ishkinka ahi (waxaa lo'da iyo geela la isku yiraahdaa ishkin) uusan la ekayn lana hilib iyo qiima ahayn neefka ariga ah, ayuu wuxuu ku filnaan karaa in ka badan intii neefka ariga ahi uu ku filnaa, sidaa awgeed neefka lo'da ahi wuxuu ku filan yahay todobo qoys, oo meeshii qoys walbaaba hal neef oo ari ah ka soo gadan lahaa, haddii ay hal neef oo lo' ah isku darsadaan, waa ku filan yahay, oo uma baahna wax kale, qofka kaligiis ah iyo qoyska isku wax ayaa udxiyo ugu filan, ee halla ogaado, neefka geela ahina wuxuu udxiyo ugu filan yahay toban reer, waxaana Cabdullahi bin Cabbaas (a.k.n) laga soo wariyey inuu yiri: "Innagoo safar ku jirna oo Rasuulka SCW la soconna ayaa waxaa soo galay waqtigii udxiyada, markaas ayaan neefkii lo' ah todobo qof ku qaybsannay, midkii geel ahna toban
qofood."
XOOLAHA KUWOODA LAGU UDXIYAYSAN KARO
Waxaan soo xusnay in ariga, lo'da, iyo geelaba lagu udxiyaysan karo, laakiin intaa lagu dayn mayo, oo neef udxiyada galayaa waa inuu soo buuxiyaa shuruudo cayiman, haddii neefku shuruudahaa uusan ka soobixi karinna ma noqonayo mid udxiyo gala, shuruudahaasina waa:
1. Haddii neefku yahay neef ido ah waxaa shardi ah in hal sano ay u buuxsantay, haddii uu ari cad yahayna waa in laba sano u buuxsanto, sannadka saddexaadna uu galo, neefka lo'da ahna waa in sidoo kale laba sano
ay u buuxsanto, midda saddexaadna uu galo, neefka geela ahna waa in shan sano ay u buuxsantaa, midda lixaadna uu galaa.
2. Neefku waa inuu ka nabad qabaa ceebaha u diidi kara inuu noqdo mid lagu udxiyaysan karo, ceebaha la rabo inuu ka nabad qabaana
waa:
1. Cudurrada xoolaha ku dhaca, sida cadhada, sanbabka, shinbirka, iwm, sidaa awgeed waa in neefku uusan qabin cudur muuqda oo wax u dhibi kara, laakiin haddii uu qabo wax aan sidaas u darnayn wax dhib ah ma
keenayo.
2. Il caddaad, haddii ishu si muuqata u caddaato ma uu galayo neefkaasi udxiyo, haddii il ay ka maqan tahay ama aysanba wax arkaynin waaba ka sii daran
tahay.3. Dhutin muuqata, waa inuusan neefku noqon mid u dhutinaya si muuqata, sida neefka jiiska ah ama jaban iwm, haddii uu sidaas noqdo udxiyo ma uu
galayo.
4. Dhuux ama baruur la'aan, haddii neefku uusan dhuux ama baruur lahayn, sida neefka aad caatada u ah, ama duqa ah, laguma udxiyaysan
karo.
5. Dheg go'naan ama jeexnaan, haddiii dhegta oo dhan ama nuskeed uu go'an yahay udxiyo ma galayo, haddii dhegtu dillaacsan tahayn waa sidaas oo kale, haddii xubnihiisa qaar go'an yihiin sida barida iwm, warba kama taagna inaan la'ogolayn, sidaasna waxaa la mid ah haddii gees jaban yahay.